Sawirrio: 20 ka mida Shaqaalha dawlada Puntland oo Waxbarasho ka helay dalka Itoobiya

17 sept 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay magacyada 20 Shaqaalaheeda ah oo ka kala socda Wasaaraddaha, Madaxtooyada iyo Maxkamadaha Puntland oo deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Shaqaalahaan ayaa ku tartamayey 10 kursi oo master ah iyo 10 kursi oo becholar ah waxaana soo codsaday deeqdan 51 qof oo loo qabtay Imtixaan kala saaris ah , Waxaana ku guulaystay ugu danbeyntii 20 qof oo ka kala tirsan hay,adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradad Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka lagu kala saaray shaqaalahan soo codsaday deeqda Waxbarashada.

Axmed Cismaan Axmed oo ka mid ah Hay,adda Bulshada Rayidka ah ayaa ku dhawaaqay magacyada shaqaalaha deeqda ku guulaystay iyo wasaaradaha ay ka kala tirsan yihiin.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa hambalyo u diray shaqaalahaan, wuxuuna ugu baaqay in aqoonta loo diray ay uga faa,iideeyaan dadkooda iyo dalkooda.

HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA KANA DAAWO SAWIRRADA
231-b4

231-b5

231-b6

231-b7

dscn4725dscn4731dscn4734dscn4735dscn4736dscn4739dscn4740dscn4742dscn4744

Puntlandes.com

About The Author