Daawo Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Somalia oo gaaray Bedelweyne

17 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd gaaray magaalada Bedelweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Soomaaliya isla markaasna ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaano waqtigoodu dhamaaday iyagoo la kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo uu u horeeyo Ugaas Xasan.

231-1a2

Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Soomaaliya ee gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxaa kamid ah Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed,Cabdiraxmaan  Cabdishakuur Warsame, Maxamuud Axmed Tarsan, Cabdulaahi Goodax Barre, Cabdiraxmaan Baadiyow,Yuusuf Cismaan Shimbir iyo xubno kale.

Kulan ay la yeesheen siyaasiyiintan iyo madaxda dhaqanka Gobolka Hiiraan ayey waxaa looga hadlay shirka la sheegay inuu ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha oo maamul loogu sameynayo labada gobol Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Siyaasiyiintan ayaa ka hadlay Sharcinimada inuu maamul u samykaro  labada gobol Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo aan iminka haysan Sharcinimo.

Halkaan ka akhriso warbixin ay Warbaahinta Puntlandes shalay ka qortay Booqashada Bedelweyne ee Madaxda Isbahaysiha Isbedel samaynta Soomaaliya 

231-1a6 231-1a7 231-1a8

231-b2

231-1a9

Puntlandes.com

About The Author