Sawirro: Madaxweynihii hore DFS oo sagootiyey guddi korjoogto ka noqon doona Dacwada Badda ee Somalia & Kenya

18 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya laakiin wali Kursiga isaga fadhiya Xasan Sheakh ayaa xalay sagootiyey guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland.

Guddigaan ayaa halkaasi u tagi doonaa sidii ay ula socon lahaayeen dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo la filayo in maalinta barito ah ay dib uga furanto magaalada Hague ee dalkaasi Holland.

Mudane Xasan Sheakh ayaa muujiyey sida DFS tii xilkeedu uu dhamaaday ay ugu kalsoontahay in ay ku guuleysato dacwadaasi, maadaama Soomaaliya si sharci ah ay u martay dacwada la xiriirta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan xallay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda, waxaan ku kalsoonahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, oo ku xad gudubtay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso maqaalo ay Warbaahinta Puntlandes arinta muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed ka qortay

Sawirro: Dacwada Soohdin Baddeedka Somalia & Kenya oo Berrito ka furmaysa Hague

Press Statement by the Government of Kenya on the Somalia vs Kenya case before the International court of justice

234Sa

Puntlandes.com

About The Author