Dhagayso: Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo ka warbixiyey Dhaqaalaha soo gaaray!!

18 sept 2016 (Puntlandes) Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ayaa maanta  ka warbixiyey dhaqaalihii ilaa iminka soo gaaray, kaasoo uga yimid Jaaliyadaha Dibada iyo Shaqsiyaad.

230-8c2

Ugu horayn waxaa ka warbixisay Dhaqaalaha soo gaaray Guddiga Marwa Caasho Geelle Diiriye oo guddiga xubin ka ah waxayna sheegtay inay si gooni ah maanta uga warbixinayaan dhaqaalaha kasoo gaaray Jaaliyadda Dibadda wuuxuuna kala yahay sidatan

Jaaliyadda Denmarka oo Rikoorka Qaaday

  •  Magaalada Århus 20 000 doollar
  • Magaalada Odensa 10 000 doollar
  • Magaalada Copenhagen 20 000 doollar

Isugayn waxay Jaaliyadda Dermark ugu Deeqday dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 50 000 doollar

Jaaliyaddaha iyo Shaqasiyaadka kale ee Dhaqaalaha ugu deeqay Isbitaalka

  • Jaaliyadda Australia ayaa dhankooda ilaa hadda ugu Deeqay u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 9 420 doollar.
  • Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale oo Ruuxii ugu horeeyey ee dhaqaale ku bixiya u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug  ayaa ugu deeqay Isbitaalka lacag dhan 5 000 doollar.
  • Faadumo Mire oo magaalada Oslo ee dalka Norway degan uguna deeqday u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 1 000 doollar.
  • Safiyo Yaasiin faarax oo magaalada Oslo ee dalka Norway degan uguna deeqday u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 500 doollar.
  • Xaliimo Xasan Xaashi magaalada Oslo ee dalka Norway degan uguna deeqday u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 500 doollar.
  • Cabdixakiim Xasan Xirsi magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka degan uguna deeqday u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 1 000 doollar.
  • Saciido Sh. Maxamed Yuusuf dalka Kanada degan uguna deeqday u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug lacag dhan 100 doollar-
  • Gabdho reer UK ah oo soo diray laba lacagood oo kala duwan: 2100 doolar waxay ugu deeqeen dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug, 500 doollar na waxay usoo direen adeegga Isbitaalka isugayn waa 2600 doolar.

Guud ahaan lacagta ilaa iyo hadda soo gaartay Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo oo Burbur xoog leh kasoo gaaray weerarkii Qaraxyada loo adeegsaday ee ay Alshabaab ku qaaday 21kii bishii aug magaalada Gaalkacyo ayaa ah Dhaqaale dhan 6 9670 doollar.

Ugu dambayn Marwa Caasho Geelle Diiriye ayaa u mahadcelisay dadkii iyo Jaaliyadihii dhaqaalaha ugu deeqay u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug.

img_5483
Bidix Pro Maxamed Jaamac Sheekh Maxamed Cigaal Midig

 

Sheekh Maxamed Cigaal oo ka mid ah Guddiga oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horayn u mahadceliyey Jaaliyaddihii iyo Shaqsiyaadkii ilaa iminka ka qayb qaatay Dib u dhiska Isbitaalka isagoo u Duceeyey intii ka qayb qaadaytay.

Sheekh Maxamed ayaa ka codsatay dadka Khayrka jecel inay ka qayb qaataan dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug Prof Maxamed Jaamac Salaad ayaa sheegay inay u maamuli doonaan lacagta lagu sidii loogu talagalay ayna dadka usoo gudbin doonaan meesha lagu baxshay lacagta iyo sida loo baxshay. Gudoomiyaha ayaa markii uu hadlayey waxaa ka socday Isbitaalka Shaqada dib loogu dhisayo.

Prof Maxamed Jaamac ayaa sheegay inay Isbitaalka u dhisi doonaan si Casri ah una dhisi doonaan si Soomaali oo dhan ay u Isticmaasho Isbitaalka.

Prof Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Qorshahoodu yahay laba waji, iyadoo uu Wajiga koowaafd yahay dayactir Wajiga labaadna yahay Dhisme Casri ah oo loo dhiso Isbitaalka.

Dhagayso warbixinta Guddiga


Puntlandes.com

About The Author