Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo kormeer shaqo oo kedis ah ku tegey qaybo ka mid ah Wasaaradaha dawladda

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa subaxnimadii hore ee saaka  18 September, 2016 kormeer shaqo oo kedis ah ku tegey qaybo ka mid ah Wasaaradaha dawladda Puntland.

Wasaaradihii uu saaka Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegey ayaa waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta, Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyaga iyo Dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo uu dhismeheedii meel wanaagsan marayo,

Xilligii uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegey xarumaha Wasaaradahaasi ayaa waxaa ku sugnaa dhammaan Masuuliyiintii iyo shaqaalihii xarumahaasi, iyadoona ay si wanaagsan u soconaysey hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee Wasaaradahaasi.

Madaxweynaha ayaa Wasaarad walba oo ka mid ah Wasaaradihii uu kormeerkiisa ku tegey waxaa uu mid mid u waraystay shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaraddaasi oo ah dadka qabta shaqooyinka dhabta ah ee ay  Wasaaraddu fuliso isla markaana u badnaa dad dhallinyaro ah oo ay ka muuqatey karti iyo firfircooni dheeraad ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Wasiir walba kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa isagoona si hoose uga xog waraystay guud ahaan siyaasadda Wasaaraddiisa, qorsheyaasha u degsan iyo caqabadaha hortaagan.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhammaan masuuliyiinta xarumahaasi iyo shaqaalaha ka hawl-galaba shaqooyinka baaxadda leh ee ay qabteen iyo dedaallada dheeraadka ah ee ay muujiyeen isagoona kula dar-daarmay in ay sii dar-dar geliyaan baahinta adeegyada ay u hayaan bulshada.

 

img_7568img_7570img_7579img_7581img_7586img_7589

img_7592img_7593img_7594img_7599img_7604img_7608img_7609img_7610img_7612img_7615img_7622img_7626img_7627img_7629img_7632img_7636img_7640img_7642img_7646img_7649img_7650img_7651img_7656img_7657img_7659img_7661img_7662img_7671img_7672img_7676img_7677img_7683img_7687img_7690img_7694img_7696img_7697img_7700img_7702img_7704img_7706img_7709img_7713img_7716img_7717img_7720img_7723img_7730img_7741img_7742img_7746img_7751img_7753img_7755img_7757img_7761img_7763img_7765img_7772img_7774img_7777img_7783img_7790img_7793img_7797img_7799img_7803img_7810img_7814img_7816img_7824img_7827img_7828
Puntlandes.com

About The Author