Dhagayso: Faahfaahin Gen Goobaale & 6 ilaaladiisa ah oo Qarax lagu dilay

18 sept 2016 (Puntlandes) Gen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

231-a8

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyey in weerar ka dhacay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho lagu dilay Gen Goobaale iyo ka mid ahaa ilaaladiisii.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxaha ayaa la sheegay in lala beegsaday Gaari uu la socda Taliyaha xilli uu marayay aga-gaarka Wasaaradda Gaashaandhiga.

Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) ayaa hoggaaminayay Guutada 3-aad ee Ciidanka xoogga Soomaaliya, kuwaasoo ka howl galayay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas,waxay ku eedeeyeen in uu maleegayay hawlgalo qarsoodi ah oo iyaga ka dhan ah.
Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay

Puntlandes.com

About The Author