Camey oo soo gabagabeeyey safarkii uu ku joogay Gaalkacyo una ambabaxay Caasimadda Garowe

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay (Gaalkacyo, Puntlandes,)

19 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabfixakiin Xaaji Cumar Camay ayaa soo gabagabeeyey safarkii uu ku joogay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, una ambabaxayCaasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay (Gaalkacyo, Puntlandes,)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay (Gaalkacyo, Puntlandes,)

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa Gaalkacyo ku sugnaa in muddo ah isagoo Gaalkacyo yimid maalin ka dib markii Alshabaab ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday qaraxyo Suuqa xero dayax iyo xarunta Degmada Gaalkacyo isagoo weerarkaasi uu gaystay qasaaro Nafeed iyo mid hantiyeed.

Waxaa xusid mudan inuu Eng Camey soo saaray intii uu Gaalkacyo joogay go’aamo badan oo Amniga wax looga qababayo uuna ka mid ahaa joojintii Baabuurta isaga kala gooshta koonfurta Soomaaliya iyo Puntland iyo arimo kale oo Amniga wax looga qabanayo.

Eng Camey ayaa siimaray deegaanka xero jaale ee dagmada Galdogob, iyada oo la filayo in uu Deegaano kale oo ka tirsan Puntland na uu safarka kusii mari doono.

Puntlandes.com

About The Author