RW hore Cumar oo Talaadada ku wajahan Garowe si uu Ololihiisa Doorashada uga bilaabo

18 sept 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaarihii hore ee DFS ee dawladii muddo xileedkeedu dhamaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay inuu maalinta talaadada oo taariikhduna ay tahay 20ka sept 2016 uu ku wajahan magaalada Garowe ee caasimada Puntland si uu Ololihiisa Doorashada uga bilaabo halkaas.

217-8l

RW cumar ayaa booqan doona Gobolada ay Puntland ka kooban tahay intooda badan isagoo si rasmi ah uga bilaabaya Ololihiisa Doorashada ee madatinimada Soomaaliya ee la filayo inay dhacdo dhawaan.

Musharax Cumar ayaa marka uu dhamaysto Ololaha uu ka wado Puntland waxa uu uga sii gudbi doonaa Dawlad Goboleedyo kale o oka mid ah dalka Soomaaliya isagoo halkaasna kasii wadan doona Ololihiisa Doorashada.

Puntlandes.com

About The Author