Akhriso: Sida Beelaha loogu qeybiyay Xildhibaanada Maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe, Doorashada madaxweynaha oo dhacaysa 3 Oct.

19 sept 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ayaa maanta u qeybisay Beelaha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka loo samaynayo labadaas Gobol, kadib markii maalmihii la soo dhaafay Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka ka socota labada gobol kulamo ku lahaayeen magaalada Jowhar.

231-2a3

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in heshiis laga gaaray qeybsiga xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ugu baaqay Beelaha labada gobol in maalinta arbacada ay ku soo xareeyaan Ergooyinkii uga qeyb geli laheyd shirka maamul u sameynta.

Mr Yaxye ayaa sheegay in beel walba tirada ka soo gaartay Xildhibaankiiba ku dhufsaneyso 3 oo ah ergada beel walba uga qeyb geli doono shirka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in 3-da bisha Oct. la dooran doono Madaxweynaha Maamulka, isla markaana 28ka bishan sept la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ugu baaqay beelaha inay soo dedejiyaan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka.

Akhriso liiska horudhaca ah ee beelaha siday u kala heleen Kuraasta Xildhibaanada:

1- Abgaal 15

2- Xawaadle 13

3- Gaaljecel 12

4- Jareer weyne 11

5- Gugundhabe 11

6- H/gidir 5

7- Moobleen 3

8- Ciise Muddulood 3

9- Hiilibi 2

10- Shiiqaal 1

11- Reer Aw xasan 1
Beelaha Qaar ayaa wali saluugsan kana soo horjeeda tirada Xildhibaanada laga siiyay maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana wali shirar lagu qancinayo beelahaasi ay ka socdaan magaalada Jowhar.

Puntlandes.com

About The Author