Daawo sawirro Dhageysiga dacwadda Somalia & Kenya oo maanta ka bilaabatay Maxkamadda Cadaaladda ee Hague

19 sept 2016 (Puntlandes) Maxkamadda Caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta 19ka sept si rasmi ah uga furantay dhagesiga dacwada badda Soomaaliya ee u dhaxeysa labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysig dacwaddan oo socon doonto muddo afar maalmood ah, waxay maxkamaddu maaanta dhageysatay dooda ay dawladda Kenya ka qabto dacwadda.

Warku wuxuu intaa ku daray in berito ay maxkamddu dhageysan doonto waxay ay Soomaaliya ka qabto iyo cadeynaha ay horgeynayso maxkamadda Hague ee la xiriira muranka badda Soomaaliya.

Labada dalba waxaa maxkamada ku matalaya ama uga doodaya sharci yaqaano shisheeye!

d1-1d2-1d3-1d4-1d5-1d7-1d8-1d9-1d10-1d11-1d12-1d14-1d15-1d17-1d18-1d19-1d20-1

Puntlandes.com

About The Author