Sawirro: Ciidamo horleh oo lagusoo daabulayo xuduudaha Puntland.

Dowladda Puntland ayaa waxaa ay biloowday qorshe cusub oo ay ku doonayso in ay ku xoojiso amaanka Deegaanadda Puntland, Gaar ahaan kuwa dhaca Xuduudaha.

Xuduuda Cas (Khatarta badan) ee ku xeerah Gobolka Mudug, ayaa haatan waxaa lagu soo kordhiyey ciidamo aad u qalabaysan oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish, waxaana ay ciidankaani u diyaarsan yihiin sidii ay ugu hortagi lahayeen, falalka amaanka la xiriira oo ay ugu weyntahay weerarada uga imaanaya dibadda iyo gadiidka xuuduuda Jiiraya.

Ciidamadaan ayaa waxaa la geeyey Dagmooyinka Muhiimka u ah Puntland ee Gaalkacyo, Galdogob, Saaxo, Jariiban iyo Towfiiq, oo dhamaantood dhaca xuduuda.

Labada Jeho ee Koonfur Bari iyo Koonfur Galbeed, ayaa amaankooda aad loo adkeeyey, waxaana ay ciidanka xuduuduhu ku jiraan Heegan sare oo aan wali la shaacin waxa uu salka ku hayo marka laga reebo gadiidka Xuduud jiirka ah.

Dhinaca Koonfur Galbeed oo ay Puntland, Galmudug iyo Itoobiya xuduud ka leeyihiin, ayaa Dowladda Puntland waxaa ay amaanka la kaashanaysaa ciidanka Xuduudaha ee Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo halkaas ka dhow.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili ay jiraan weeraro marar badan laga soo digay, oo macquul tahay in ay soo qaadaan maleeshiyaadka Galmudug, oo inta badan soo weerara Xoolo dhaqatada ku sugan xuduuda Koofur Bari ee Gobolka Mudug.

Ciidan hor leh ayaa loo qoondeeyey in uu ka hawl galo Dagmada Towfiiq, oo marar badan laga war helay in uu culays badani kasaaran yahay dhinaca Galmudug.

Sargaal katirsan Ciidan Xooga Puntland ayaa Puntlandes u Xaqiijiyey in ay gudanayaaan Waajibkoodii ay u dhaarteen, kaas oo ahaa in ay ilaaliyaan Dhulka, Nafta iyo maalka ummadda Puntland, ayna haatan middaas ujoogaan, isaga oo fariin adag u diray Gaadiidak Dhuumanaya, sheegayna in ay ka mid noqon doonaan, gaadiidaka ciidanka Xooga Puntland, haddii la qabto iyaga oo waddo sharci darro ah maraya.

Sawirro.

20160919_084025 20160919_093444 20160919_102314 20160919_120807 20160919_121503 20160919_121600 20160919_143132

About The Author