Warbixin Xasaasi ah: Xiridda Xuduuda iyo Xasaasiyadda ka dhex jirta Madaxda dowladda Puntland (Codad+Sawirro+xirmooyin)

Wasiir C/raxmaan, Wasiir C/waliin indhaguran iyo wasiir C/rishiid (garoonka diyaaradaha C/lahi yusud, sawirka Puntlans.com)

1dii September 2016, ayey ahayd markii uu hir galay go’aan uu soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha, kaas oo ahaa in uu xiran yahay xuduudka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo maalmahaan Danbe lagu xamanayey, in uu saaxiib dhow la noqday Xassan shiikh ayaa durba ka biya diiday, isaga oo dhisay Qorshe cusub oo ku baajinayo go’aan kaas, isaga iyo Saaxiibkiis C/raxmaan (Wasiirka Shaqada Sahaqaalaha, dhalin yarada iyo ciyaaraha) hirgaliyey qorshahoodii ahaa in ay ka laabtaan Go’aankaas.

Wasiir C/raxmaan, Wasiir C/waliin indhaguran iyo wasiir C/rishiid (garoonka diyaaradaha C/lahi yusud, sawirka Puntlans.com)
Wasiir C/raxmaan, Wasiir C/waliin indhaguran iyo wasiir C/rishiid (garoonka diyaaradaha C/lahi yusud, sawirka Puntlandes.com)

Hadaba Sawirkaan Kore, waa mar ay wada hadlayeen Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Shaqada iyo shaqaalah, kuwaas oo markii ay dhex martay, dood kulul oo u ekayd in uu wasiirka Hawlaha guud in uu kaligiis ahaa.

Inaga oo aan kala magacaabayn, hadalkoodu sidaan ayuu ahaa maalinkaas.
>. “waxaad go’aan satteen in aad cunaha naqabataan, waana naqabateen laakiin go’aankaasi waa kid laga laaban doono”.
>. “Inagu Wixii go’aankaas ka hor yimaada waxaan u naqaan Shabaab iyo Makarafoon Shabaab”.
>. “Udaa Nimankaan iyaga ayaa ah gudiga xaaladda dag dagaa, meeshooda ha ugu tagin inta Xaaladda dag dagaa laga baxayaa waa dhawdahaye”

Wasiir C/raxmaan oo la cadlaya Wasiirk C/rishiid (Garoonka diyaaradaha C/lahi yusud, sawirka Puntlans.com)
Wasiir C/raxmaan oo la cadlaya Wasiirk C/rishiid (Garoonka diyaaradaha C/lahi yusud, sawirka Puntlans.com)

Sawirkaan kale waa gab gabadii Doodooda, oo uu C/raxmaan kusoo khatimay, in aysan marna sii shaqayn doonin xiritaanka xuduudu.

Sidii uu horay idiin ku baahiyey warsidaha Puntlandes, 13kii, September, (http://www.puntlandes.com/?p=26933), waxaa la sameeyey kooxo Ganacsatto ah oo arinkaas cadaadis badan kusaara Camay.

Xogga Cusub
Go’aankaan waxaa kasoo baxay xoggo cusub oo awal aan qeexin heerkiisa awood siyaasadeed iyo awood dhaqaale, waaxa Ururka Ictisaam oo awoodiisa isugu geeyey in laga baaqsado, go’aankaan.

Ictisaam: Waa koox Culimo ah oo u badan Ganacsatto, ayna shacab badani ka aaminsan yihiin in ay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab, xiriirkaas oo marar badan wiiqmay, balse aan marna Tir tirmin, sida ay caanka ku yihiin Ictisaamku, kama Hadlaan wax yaabaha ay isleeyihiin, waxay ka caraysiinayaan Dowladda, kamana Hadlaan wax yaabaha ay isleeyihiin waxaa farafaynaysaan Xarakada Al-shabaab.

Weerarada xuduudaha, dagaaladda Al-shabaab, Qaraxyada shacabku ku dhinto, Go’aamada khatarta diimeed ah ee Dowladdu qaadato, iyo wax yaabaha diinta ka hor imaanaya ee ka dhaca Madaxtooyada midna kama hadlaan, inkasta oo ay aad uga hadlaan arimaha maxaliga ah, sida dhalinyarada iyo dhacdooyinka hoose.

Go’aan Qaadashada Gaas

Madaxweyne Gaas waxaa uu aan ku yahay in uu inta badan ka laabto go’aamadiisa, waxaa kale oo uu caan ku yahay in uu aad u kiciyo hanka iyo dareenka Shacabka, kadibna uu si lama filaan ah Dhulka u galiyo, aanu dib u milicsanno go’aamadii Barta Madoow ku noqday Umadda.

1. Xiriirka Federaalka: Dowladda Puntland mararbadan ayey DF xiriirka u Jartay, markasta waxaa ay ka laabanaysay iyada oo aan waxba ku badana.

2. Xuduudaha: Dhulka Puntland markii laga reebo inta ay xooga ku haysatto, waxaa la sheegtay Gobolka Mudug, Gaalkacyo Gadogob, Jariiba, Towfiiq iyo Saaxo, waxaana sheegatay Galmudug, Go’aan ayuu kasoo saaray in uusan Hor fariisan Madaxweyne C/kariim, uusanna Aqoonsanay, isaga oo sababo badan u haystay arintaas, si Fudud ayuuna uga laabtay, oo ku hor fariistay.

3. Dagaalkii Gaalkacyo: Dagaalkii Gaalkacyo waxaa uu ahaa Shirqool lagu doonayey in lagu mideeyo dammu Jadiid Puntlan iyo midda DF, waxaana uu ku salaysnaa Hagar daamo iyo Xagal daacin, Gaas Waxaa dhulka ku dhuftay Hankii ciidanka Puntland, iyada oo maalinba Hogaamiye la marin habaayey oo la shir qoolay, Ilaa ay kasoonidii ka luntayhttp://birmad.com/2015/11/xog-hoose-xog-dhamaystiran-dagaalkii-shalay-ee-gaalkacyo/

4. Hishiiskii 4.5: waxaa uu madaxweynuhu Gaarsiiyey heerkii ugu sareeyey ee Abid lagaarsiiyo shacabka Puntland, ilaa ay gaartay in Guri kasta oo caasimadda iyo Gobolada ku yaal lagu qoro NO: 4.5. iyada si fudu ayuu uga tanaasulay.

5. Gobolada Sool iyo Sanaag: waxaa uu balan qaaday in uu soo celin doono, wax tilaabaa oo uu ka qaadayna majirto.
Hadaba Intaas ayaan horay ugu soobaranay Madaxweyne Gaas, Haatanna in uu ka laabto, Go’aanka Madaxweyne Camay maahan mid lala yaabo ama la baciid sado.

Camay iyo Go’aamadan cusub

Inkasta oo uu saaran yahay culays aad u balaaran oo ku kalifi kara in uu ka laabto go’aankii uu soo saaray wali waxaa uu ku dhagan yahay in magaaladda Gaalkacyo ay guul u tahay arintaani, faa’iido Badana ay ugu jirto Puntland oo dhan.

Eng: Camay waxaa saaran laba Culays oo ay macquul tahay in ay ku khasbaan inuu ka laabto go’aankaas ,

1. Ictisaam: Ururkaan uu ubadan Ganacsatto dhaqaale haysatta, haatanna madaxweynaha u dhisay koox cusub oo ka kooban 48xubnood, oo isugu jira xildhibaano, wasiiro iyo salaadiin, ayaa laga yaabaa in ay ka xoogbattaan, amar madaxweynana uu kusoo baxo.

2. Qaad walaha: Qaad waluhu waxaa ay ahaayeen koox ay u xirantahay Puntland, Camay ayaana haatan ka dhigay ganacsi furan, waxaa macquul ah, ay culays badan saaraan ganacsatada qaadka oo ka faa iidaysanaya laba fursadoo oo kala ah,

B. lacag xoog leh oo ay ku kala fur furi karaan
T. Qaar ka mid ah Xigto iyo Saaxiib dhow la ah Madaxweynaha.
Sidaas oo ay tahay lama filayo in waraaqda kalaabashadu ay kasoo baxdo, xafiiska Madaxweyne ku xigeenka xittaa haddii madaxweynuhu tago, waxaase la filayaa in ay kasoo baxdo Madaxweyne Gaas.

Dhagayso hadalada ku tusaya in Eng: Camay culays badani saaran yahay, uuna wali doonayo in uu qanciyo Kooxahaas.

Eng: Camay oo Qorshihiisu ahaa in uu Gaalkacyo sii joogo, lagana codsaday in uu sii joogo, ayaa si deg deg ah loogu yeeray, taas oo kaliftay in uu u ambaboxo Garoowe, Safarkaas ayaana salka ku haye in uu ka qayb galo, kulan ay lahaayeen Ganacsatada iyo Madaxweyne Gaas.

Puntlandes.com

About The Author