Daawo Sawirrada: Dibadbax looga soo horjeedo sheegashada Kenya ee baddeena oo ka dhacay Muqdisho

21 sept 2016 (Puntlandes) Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah baddeena Soomaaliya laguna taageerayay dadaallada dawlada xiligeedii dhamaaday ee ku wajahan dacwadda badda ee ka socota maxkamadda cadaaladda adduunka ee Holand ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kumannaan ka tirsan bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxa, kuwaasoo socod ku soo maray waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho, iyagoo wata boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah sheegashada Kenya, waxeyna dadkaasi isugu soo uruureen fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo la hadlay dibad baxayaasha ayaa sheegay in aysan jirin Cid iibsan karta Badda Soomaaliya islamarkaana aysan Shacabka Soomaaliyeed marna aqbali doonin Damaca Guracan ee Kenya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale gudoomiye Madaale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo dhaxal gal ah ay ka soo baxdo dacwada la xiriirta badda ee iminka ka socota maxkamadda caddaalada adduunka ee Holand, taasoo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

01
02
03
04
05
06
07

Puntlandes.com

About The Author