Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland oo Warmurtiyeedka Ka soo saaray Qoondada Haweenka

231-2b

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Puntland

Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) oo maanta shir Jaraa’id ku Qabtay ku magaaladda Garowe ayaa  ugu baaqay isimadda saxiixayaasa ah iyo cuqaasha soo xulayo xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka federaalka inay u hoggaasamaan go’aamadii madasha hoggaanka qaran ee xaqiijinta qoondada haweenka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha  Guddiga, nabadoon khaliif Aw-cali, Saynab Ugaas Yaasiin iyo Faadumo Cabdi warsame oo xubno ka ah guddiga  oo shirka jaraa’id ku qabtay xarunta PDRC ee Garowe ayaa  sheegay  in beelihii diida  qoondada kursiga haweenka in la laali doono , go’aana ay ka qaadan doonaan xubintaas, guddiga iyo dowlad goboleedka ay doorashadu ka dhacayso.

Guddigu waxay sheegeen in beeshii gollaha shacabka ku leh saddex kursi(3) waa in midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ay ku tartamaan, waxay kaloo sheegeen in beeshii 12 kursi ku leh aqalka hoose laga doonayo 4  gabdhood

“ Beelaha kale oo bah ahaan isugu xiga waxaa kuraastooda la isugu celinayaaa sida ay isugu xigaan oo ay isu leeyihiinm ka dibna saddexii kursiba waxaa laga doonayaa in laga soo saaro hal kursi oo ay haweenka kaliya ku tartamaan” Sidaas waxaa lagu sheegay warsaxafeedkii guddiga Doorashadda.

“ Beelihii diida soo bandhigidda kursiga haweenka, kuraasta beelahaasi  waa la laalayaa ilaa iyo inta GDGHDD iyo dowlad Goboleedku ay go’aan kama dambays ah ka gaarayaan Kursigaas”  ayuu guddigu sii raaciiyay hadalkoodii

Guddigu waxay kaloo shirka jaraa’id kaga hadleen qoondada haweenka ee Aqalka Sare, waxay ugu baaqeen dowlad goboleed kasta inay xaqiijiyaan qoondada 30% ee kuraasta ay si xor ah ugu tartamaan gabdhaha kaliya.

Gabagabadii, guddiga doorashooyinka heer Puntland waxay soo jeediyeen si looga fogaado laalista kuraasta iyo caqabad ku timaada waqtiga doorashooyinka in beelkasti ay soo bandhigto kuraasta gaarka ah ee haweenka loo asteeyay.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, hirgalinta  doorashadda labada Aqalka ee barlamaanka, doorashadda guddoomiyaha Barlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya  waxaa ka harsan Afartan Maalmood oo kaliya, waxayna guddigu walaac ka muujiyeen in waqtigu is riixayo oo loo baahan yahay in beeluhu soo dhamaystiraan xubnaha 51ka ee dooranaya xildhibaanadda.

Puntlandes.com

About The Author