Daawo Sawirro-Gaalkacyo: Isu soobaxyo lagu taageeroyo Go’aanka Dowladda Puntland ee Gobolka oo harqiyey Gaalkacyo

22 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa Maanta Magaaladda Gaalkacyo ee xunta Gobolka Mudug ka dhacay isu soobax balaaran oo lagu taageerayo, wareegtooyin uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland.

Gaadiidleey, Dhaliyarao iyo Haween ayaa isugu soobaxay waddooyinka magaaladda Gaalkacyo, Waxaa Waddada lagu gooyey Gawaari waaweyn, kuwaas oo kala xiray magaaladda, Banaan baxa ayaa sii balaartay, waxaa ay dadku ku ku dhawaaqayeen, taageerada Eng: C/xakiin xaaji Cumar camay.

Shacab Caraysan ayaa waxaa ay sheegeen in aysan marna yeeli doonin, in Magalaadda Gaalkacyo maalin kasta meel loo jeediyo, sidoo kalana aysan marna aqbali doonin, Gaari amaan darro wada oo Naftooda iyo Midda shacabka kalaba haligta.

Gudoomiya Gobolka Mudug oo Shacabka la hadlay ayaa sheegay, in loo baahan yahay in ay isdajiyaan, sidoo kalana loo baahan yahay in amaanka iyo isu socodka oo dhan la ilaaliyo, waxaana uu dad weynaha u sheegay in cabashadooda la tix galinayo, Dowladduna aysan marna Dhibkooda ka shaqaynayn, sidii ay shalay wanaagooda u raadinaysayna ay wali uraadinayso.

Daawo Sawirro.

img_6774

img_6771 img_6781 img_6794 img_6806 img_6807 img_6808 img_6812

img_6748

img_6772

Puntlandes.com

About The Author