Sawirro: Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho

22 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdusho, halkaasoo  lagu soo dhoweeyay.

Sheekh Shariif ayaa diyaarad qaas ah ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Diyaar garowga soo dhoweynta Madaxweynihii hore ayaa tan iyo shalay laga dareemayay magaalada Muqdisho oo dhan, iyadoo sawirro soo dhoweyn ah la suray waddooyinka qaar.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo Ololihiisa Musharaxnimada.

Madaxweyne Shariif ayaa ugu dambeysay magaalada Muqdisho afar sano ka hor, gaar ahaan sanadkii 2012, xilligaasoo looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha, waxaa hada lagu tirinayaa Musharaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha ee dhowaan dalka ka dhici doonta.

shariif-111shariif-1111shariif-2222shariif-11112shariif-gar

soo-dhoweyn1soo-dhoweyn11soo-dhoweyn111soo-dhoweyn222diyaar-garowdiyaar-garow4shariif1shariif2
soo-dhoweynos

Puntlandes.com

About The Author