Madaxweyne Dr Gaas oo mamnuucay ka ganacsiga Hubka nooc kasta

Garowe (Pes): Madaxweynha Puntland ayaa soo saaray wareegto uu ku mamcuucayo ka Ganacsiga Hubka nooc kastuu yahay. Mamnuucidan ayaa waxay tahay mid mudan in la soo dhaweeyo maadaama uu hubku uu ku yahay qatar amniga. Laakiin quburada wax odorasaa ama ku xeeldheer arimahan waxay leeyihiin Odagu ma moodaa in uu dheeraynayo, go’aamadiisuna ka hordhacayaan waqtiga la joogo. Isagoo, Dr Gaas, markasta soo saara go’aano aan macquul ahayn waqtigan xaadirka ah ama sideedaba.

Hadaynu Tusaale u soo qaadano waxaa ka mid ah go’aanadaas kuwa hoose

1-Mamnuucidii inay soo degaan ama lagu dhexwato Puntland Gaarida Shukaanta ku leh Midigta

2-Mamnuucidii Jillaabashada Aargoosatada

3- Mamnuucidii Bacaha (waa arin fiican laakiin awoodaada eeg)

4-Tan hada ah oo Haysashada iyo ka ganacsiga Hubka noocyadiisa kala duwan

Waxaad moodaa Dr Gaas xisaabtaba in aysan ugu jirin resoutce ka uu haysto iyo awooda dowlada ee socodsiinta howlahan. Waxaad moodaa in uu hilmaamay in uu isaga laftigiisu 9 bilood kaliya ka hor uu la soo galay Caasimada Garowe iyo dhamaan magaalooyinka Puntland isagoo ay galbinayaan Hub fara badan, Tekniko iyo Ciidan fara badan oo sharcidaro ahaa uuna ku socodsiiyey ama aan dirirno ama waa in la ii ogolaadaa Hubkan iyo Ciidankan Sharcidarada ahaa. Sagaal bilood ka dibna Dr gaas waxuu rabaa in uu ka mamnuuco reer Puntland oo dhan (Sool iyo Sanaag) haysashada iyo ka ganacsida Hubka noocyadiisa kala duwan, CAJIIB. Odagu waxaad moodaa in riyadiisa uu rabo in uu dhaqan geliyo.

Go’aamada kor ku xusan marka laga reebo Jillaabashada Aargoosatada waa kuwo aad u fiican laakiin waxa aynu soo qaadanay waa socodsiinta awoodeed ee dowlada oo ay tahay Mashiinka la rabo in uu socodsiiyo.

 

halkan ka akhriso go’aankii Dr Gaas

307

Puntlandes.com

About The Author