Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladdii dalka ka jirtay 1990-kii waxaa riday dad la kiciyay” & SONNA oo raaligelin ka bixisay

24 sept 2016 (Puntlanded) Madaxweynihii muddo xileedkiisu uu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka oo la kiciyo ay keeni karto nidaamka iyo dowladnimada oo meesha ka baxdo, isagoo ka digay inay dhacdo sidii sanadkii 1990-kii oo kale ee lagu riday dowladdii Dhexe.

230-2b

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan ka jeediyay Khamiistii la soo dhaafay kulan looga hadlayay sidii Haweenka xuquuqdooda qoondada Baarlamaanka u heli lahaayeen.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri “Dowlad la’aanta waxa noo keenay waxay aheyd dadka oo la kiciyo, dowladi dalkan ka jirtay 1990-kii waxaa riday dad la kiciyay, qaladaad dowladnimo oo dhab ah ayaa dalka ka jira hadana, sida saxda aheyd looma isticmaalin, mar hadii dadka kaco nidaamka iyo dowladnimada iyo caqliga toosan ayaa meesha ka baxaya, cid cid koontarooli karto ma jirto, biyo soo fatahay oo kale ayuu noqonayaa”

Halkan ka dhagayso hadalkii Xasan Sheekh


Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shalay wax ka qortay hadalka Madaxweynaha oo uu kaga digay in kacdoon shacab uu dhaco, hase ahaatee markii dambe dib ayaa looga saaray warkaas, kadib cadaadis u yimid, iyadoo raalli gelin looga bixiyay hadalkaas sida loo dhigay.

Warkii SONNA ka qoreen Hadalkii Madaxweynaha uu kaga digay Kacdoon Shacab

231-2e1a

Halkana ka akhriso SONNA oo raaligelin lagu qasbay ka bixisay

231-2e1

Puntlandes.com

About The Author