Akhriso: RW Cumar oo magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada Somalia oo Awood badan leh

24 sept 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaarahi Xukuumadii uu dhamaaday muddo Xileedkeedu laakiin wali xilka haya Cumar Cbadirashiid Cali Sharmarke ayaa magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ee 2016.
217-8l

Guddigan uu magacaabay Raysul Wasaare Cumar ayaa ka kooban 25 Xubnood oo isugu jira rag iyo haween, waxaana loogu tala galay in ay xaliyaan khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka dhawaan dalka ka dhacaya waxayna mas’uul ka yihiin inay Doorashadu u dhacdo si hufan oo loo siman yahay kana madaxbanaan Musuqmaasuq iyo ku shubasho.

RW Cumar oo ka hadlaya Guddigan ayaa sheegay ”Haddii Doorashada uu Khilaaf ka yimaado maalinta Doorashadu dhacdo, oo dadkii Musharixiinta ahaa dad ka mid ah ay ku Dacwoodaan in Doorashadaas si toos ah loo Gacmeeyey oo looga Hiiliyey …in dacwad loo geeyo..Guddigaas Khilaafaadka awoodiisu Awoodiisu waxaa weeye haday u arkaan in Doorashada la Gacmeeyey ee la damcay in Qof si cad loo saaro ama si dadban waxay Awood u leeyihiin inay Cansel gareeyaan Doorasha.. waxay qabaan muddo ilaa Wiig marka ay Doorashadu dhacdo ka dib way qiyaasayaan wixii dhacay wayna ka doodayaan una Codaynayaan iyagoo ku dhawaqaya inay Doorashu aysan si sax ah u dhicin waana lagu noqonayaa Doorashada”

Warbaahinta Puntlandes oo isku hawsha inay akhristayaasheeda usoo gudbiso Xoggaha ku saabsan Doorashada Soomaaliya ayaa waxay Faallo dheer ka qortay Guddin iyo Cidda mudan in loo magacaabo 19 kii aug 2016, waxayna Cinwaan uga dhigtay FAALLO: Yaa Mudan in loo Magacaabo Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya? Waxaa ku jira Guddiga qaar ka mid ah magacyaddii ay Warbaahinta Puntlandes talo ahaan usoo jeedisay sida Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan Shuuke oo Aqoonyahan Sumcad ku leh Bulshada dhexdeeda una soo shaqeeyey dalka.

Sidii ay Warbaahinta Puntlandes Faalladaas ku sheegtay Guddigan ayaa ka kooban Shaqsiyaad dalka iyo dadka usoo shaqeeyey magac iyo Sumcadna ku leh Bulshada Dhexdeeda ahna Guddi la aamini karo, waxaana ka mid ah 5 Gabdhood.

Beesha Caalamka ayaa aad u riixaysay sida ay Warbaahinta Puntlandes Faalladeeda ku sheegtay Guddigan iyo awoodiisa inuu Cansali karo Doorashada maadaama Madaxweynihii muddo xileedkiisu uu dhamaaday uu isagu Qortay Guddiga Doorashada ee heer Federaal, fadlan Akhriso Faalladii dheerayd ee ay ka qortay Warbaahinta Puntlandes.

Dhagayso RW Cumar o oka hadlaya Guddigan iyo Awoodiisa

Aqriso Magacyada Guddiga Khilaafaadka
231-2d7
Puntlandes.com

About The Author