Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo dib u dhacday!!

25 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa dib u dhac uu ku yimid Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu qorshuhu ahaa in manata oo 25-ka bisha September ah ay Dawlad Goboleedyada soo gudbiyeen.

230-2a8

Hoos ka akhriso Jadwalkii Doorashada:

  1. Aqalka sare 25 September
  2. Baarlamaanka 24 September – 10 October
  3. Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
  4. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October
  5. Doorashada Madaxweynahan 30 October

Lama yaqaan sababta keentay dib u dhaca ku yimid Jadwalkii Doorasha, iyagoo caado ka dhigtay Madaxda Hogaamiyaasha Qaranka (MHQ) inay si ay Heshiis ku yihiin oo aan loo soo bandhigin ummadda Soomaaliyeed ay wax u wataan taasoo aan ahayn mid sax ah.

Waxaa horay u jiray tuhun ku aadan in Doorashada ay waqtigeeda dib uga dhici karto rabitaan MHQ darteed, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa shaki wayn ka muujiyey in Doorashadii horay loogu balamay ku dhicdo waqtigeedii.

Lama garanayo in dib u dhacan saameynta ay ku yeelan doonto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha oo dhici lahayd 25 iyo 30 Okt 2016, waxaana muuqda inaan wali waxba laga qaban jadwalkii horay ugu heshiiyeen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran.

Puntlandes.com

About The Author