Gaalkacyo: Camay oo Gaalkacyo ku wajahan iyo Xaaladda Gaalkacyo (warbixin)

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay (Gaalkacyo, Puntlandes,)

25 sept 2016 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Dr.C/xakiin Xaaji Cumar Camay ayaa maanta kusoo wajahan Magaaladda Gaalkacyo, isaga oo kasoo Ambabaxay Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay (Gaalkacyo, Puntlandes,)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay (Gaalkacyo, Puntlandes,)

Ujeedka Madaxweyne kuxigeenka ayaa ah, si uu udajiyo xaaladda magaaladda Gaalkacyo oo haatan kacsan, kadib ka noqoshaqii go’aankii xuudaha iyo iska hor imaadkii ciidanka amaanka iyo Shacabka caraysan.

Arinta ugu culus ee haatan uu madaxweyne ku xigeenku u imaandoono ayaa ah, sidii uu xal ugu heli lahaa, xiisad cusub oo ka dhalatay kadib markii gaadiid dagaal oo kasoo dagay Boosaaso loosoo gudbiyey Galmudug, kuwaas oo sababay in ay gadoodaan ciidamo ay lahaayeen Xoolo dhaqatada bariga Mudug, oo uu dagaal ba’anni ka dhexeeyo iyaga iyo Galmudug.

Xoolo dhaqatada ayaa waxaa ka dhintay Hal nin, waxaana xoog lagu dhaafsiiyey gaadiidkii, Iyaga oo aaminsan in ay Dowladda Puntland qayb ka tahay dagaalka lagula Jiro xoolo dhaqatada bariga Mudug, Arintaani waxaa ay horkacday Kacdoon ciidan, oo ay shacabku cabsi ka qabaan in uu isku badalo Jamhad.

Lasoco wixii soo kordha.

Puntlandes.com

About The Author