Daawo Video: Gud. Xigeenkii hore ee Barlamanka Kenya Farax Macalim oo Feer & Dharbaaxo kala daalay Wasiirka Boostada ee DFS

1 okt 2016 (Puntlandes) Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamanka Kenya Farax Macalim ayaa Feer iyo Dharbaaxo kala daalay Wasiirka Boostada ee DFS Maxamed Jaamac Mursal Geele.
231-4
Dagaalkan ayaa waxaa qabtay kamerooyinka ku rakibnaa Hotelka, arrintan oo ay saxaafada Kenya si weyn uga hadashay, laakiin labada nin ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan maadaama uu socdo baaritaan ay wadaan ciidamada Booliiska qeybta baarta danbiyada la xariira Diblumaasiyiinta.

Illaa iyo hada lama oga waxa keenay gacan ka hadalka dhexmaray labada nin oo kasoo wadajeeda hal beel, arrintan waxaa cambaareeyey siyaasiyiinta Soomaalida Kenya.

Puntlandes.com

About The Author