Wasiirka Deegaanka Puntland oo booqday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo Burbur xoogleh ka muuqdo (Sawiro).

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta booqasho kutagay isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo bur bur xooglihi uu soo gaaray 21-kii August markii Gawaari Qaraxyo ah lagu weeraray xarunta dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo oo aanan waxbadan u jirin isbitaalka, Isbitaalka ayaa qaraxaasi uu siweyn u saameeyey waxaana istaagay ama halis galay qaybo badan oo kamid ah qaybaha uu ka koobanyahay Isbitaalku.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa mid mid usoo booqday bukaanada kujira isbitaalka Guud ee gobolka Mudug wuxuuna sidoo kale warbixino kusaabsan xaalada Isbitaalka ka dhagaystay Takhaatiirta Isbitaalka Iyo Maamulkaba kuwaas oo kusoo wareejiyey guud ahaan Isbitaalka, Bur bur iyo dhibaato xoogleh ayaa ka muuqatay qaybaha kaladuwan ee Isbitaalka waxaana si gaar ah u burburay qaybaha ay kamid yihiin Qaybta qaliinka guud ee isbitaalka, , Bangiga Dhiiga, Kaydka tallaalada, Qolalka Meydka iyo meelo kale oo ay kujiraan qaybta Kuliyada caafimaadka ee gobolka Mudug oo ku dhextaala Isbitaalka guud ee gobolka.

Takhaatiirta ayaa wasiirka u sheegey in sidoo kale dib loo hagaajiyey qaybo badan oo kamid ah isbitaalka kuwaas oo ay kujiraan Kaydka wayn ee isbitaalka, qaybta bukaan socod eegtada qayba gargaarka degdeg ah iyo shaybaarka Isbitaalka kuwaas oo imika dib shaqadooodii u bilaabay waxaana ay sheegeen inay dhismaha qaybo kale imika wadaan.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska oo intaas kadib saxaafada la hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhda isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo mudo Hal Qarni ah u adeegayey bulshada Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa sheegey in isbitaalku uu si isku mid ah ugu shaqeeyo bulshada islamarkaasna u Adeegyo caafimaad siiyo bukaano qaarkood ka yimaada wadamada Deriska oo qaliimo culus loogu sameeyo, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu u mahadceliyey jaaliyadaha dibada iyo dadka Gudaha oo soo taageeray isbitaalka waxaana uu sheegey in Tabarucaadkii ay soo direen uu isbitaalka wax un ka taray balse uusan gaarsiisnayn halkii la filayey wuxuuna bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqay inay isbitaalka soo taageeraan si loo dayactiro isagoo codsaday in guddiga Isbitaalka dhismihiisa loo xilsaaray loo baahanyahay in si dhow loola shaqeeyo.

Hoos ka daawo sawirada.

19

18

17

16

15

13

 

About The Author