Caasimada maamul goboleedka Hiiraan & Sh/dhexe oo loo bedelay Jowhar

4 okt 2016 (Puntlandes) Ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa cod u qaaday halka ay noqoneyso Caasimada maamul goboleedka labada gobol  ayaa u codeeyay in magaalo madaxda ay noqoto Jowhar, iyadoo markii hore ahayd magaalada Buulo burde.

231-4d3

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen Dastuurka maamul goboleedka uu yeelanayo.

Intii aanu shirkan furmin dhamaadkii sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ku sheegay in magaalada madaxda labada gobol ay tahay Buulo Burde, halka madasha shirkana laga dhigay magaalada Jowhar.

Lama oga sida ay u dhaqan galayso in ergo ay bedelaan wareegto madaxweyne, hase ahaatee waxaa arrintan wax ka bedeli doontaa qaabkii awood qeybsiga maamulka oo markii hore la filayay in Madaxweynaha la dooran doono uu ka yimaado Hiiraan.

Madaxweynaha la dooran doono ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wadaa inuu ka yimaado Gobolka Hiiraan, maadaama Shabeellaha Dhexe ay qaateen Caasimada maamulka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku qanciyay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe inay sameeyaan tanaasulaad ku aadan Madaxweynaha, si Gobolka Hiiraan loo siiyo, balse tani ayaa noqon mid ay ku qancaan Odayaasha uu hoggaamiyo Ugaas Xasan ee fadhigoodu yahay Beledweyn, kuwaasoo qorsheynaya inay dhistaan maamul goboleed gaar ah.

Ka dhigista magaalada Jowhar ee caasimada labada gobol ayaa waxaa dadka qaarkii ay u arkaan mid sii fogeynaysa duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka hiiraan oo markii hore diidanaa shirka Jowhar iyo in Hiiraan lagu daro Shabeellaha Dhexe.

Kulanka Ergada ay ku yeelanayaan magaalada Jowhar ayaa loo diiday saxaafada madaxa banaan inay ka qeybgasho marka laga reebo idaacada iyo taleefishinka qaranka.

Puntlandes.com

About The Author