Antonio Guterres oo noqonaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

6 okt 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaarihii hore ee Portugal isla markassna ahaa  madaxa Hay,sdda UN u qaabilssn Qaxootiga Antonio Guterres ayaa qarka u saaran inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, sida ay xaqiijiyeen Diblomaasiyiin.

ladda-ned

Mr Guterres oo 66 sano jir ah ayaa ah shaqsiga ay cadahay inuu noqonayo Xoghayaha Guud ee bedelaya Ban Ki-moon horaanta sanadka soo socda.

Codeynta rasmiga ayaa dhici doonta maalinta khamiista, si xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ay u xaqiijiyeen shaqsiga ay doorteen.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ku ammaantay Mr Guterres inuu yahay nin waayo arag ah, isla markaana shaqo adag soo qabtay.

Mr Guterres ayaa muddo 10 sano ahaa Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga, waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin waayo arag ah oo muddo soo shaqeeyay.

Horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2017 ayuu si rasmi ah waxaa uu xilka kala wareegi doonaa Mr Ban Ki-Moon oo xilkan soo hayay 10-kii sano ee u dambeeyay.

Puntlandes.com

About The Author