Daawo Video-Sawirro: Musharraxa Madaxweynaha Jibriil Ibraahim Cabdulle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garowe

6 sept 2016 (Puntlandes) Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, si uu ololihiisa doorashada uga bilaabo, waxaana socdaalka uu ku tagay Garowe qeyb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo magaalooyinka maamul goboleedyada ee qorshuhu yahay inay ka dhacaan doorashada.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanoko ee duleedka Garowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin, Saraakiisha ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadkii sii dhoweeyay Musharraxa ayaa taagnaa waddooyinka, iyagoo lulayay caleemo qoyan iyo sawiradiisa, waxaana Musharraxa dadka soo dhoweeyay kula hadlay afaafka hore ee magaalada Garowe.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa ku soo dhoweeyay garowe Musharrax Jibriil iyo Wafdigii uu hoggaaminayay, waxaana uu xusay soo dhoweyntan ay tahay astaan qaranimo in shacabka Gobolka Nugaal ay soo dhoweeyaan.

“Musharrax Jibriil adiga iyo wafdigaaga ku soo dhowaada Garowe oo ah Caasimada Puntland, soo dhoweyntan waa astaan qaranimo iyo astaan ka turjumeysa isu baadigoonka umada Soomaaliyeed oo aan muddo helin Hoggaan wacan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay in magaalada Garowe iyo Puntland ay ka dhigan tahay sida Gobolka California oo kale ee Madaxweynayaasha marka ay tartamayaan go’aamisa cida ah Madaxweynaha Mareykanka, sidaas la mid ahna ay u tahay Garowe.

“Garowe iyo Puntland waxay u dhigan tahay California, Madaxweynayaasha Mareykanka marka ay tartamayaan codka ninka helo Californima ayaa ah Madaxweynaha Mareykanka, maanta waa heystaa codkii reer Nugaal, ayagii oo idil baa ku soo dhoweeyay, waxaa u maleynayaa inaa tahay Madaxweynaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo la hadlay dadkii soo dhoweeyay ayaa ka mahad celiyay sida dadweynihii isugu soo baxay saaka ee taagnaa waddooyinka inay muujiyeen qiiro wadaninimo.

“Waxaan u mahad celinayaa dadka isku soo baxay ee qiiradooda wadanimo muujiyay ee saaka illaa hada qoraxda oo kulul taagnaa waddooyinkam waligeed Soomaali ayaa isku heysteen, Puntland waxay ka mid tahay meelaha Soomaaliya alkunkeeda yahay, qoraxda waxaa u taagan tihiin inaa xaqiina heshaan, waana heli doontaan afarta sano ee soo socota”ayuu yiri Musharrax Jibriil.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa maalmo ku sugnaan doona magaalada Garowe, isagoo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu ugu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed hadii loo doorto xilka Madaxweynaha, waxaana uu ammaan u jeediyay nabada ka jirta Garowe iyo deegaanada Puntland.

img_3450img_3451img_3453img_3455img_3456img_3464img_3466img_3469

dddimg_3470img_3472

14591717_10206283888251198_9221084265412973838_n14494892_10206283885931140_4481359147498617603_n14502706_10206283868970716_6900627390916653904_n14581290_10206283886331150_4439695800141224131_n

img_3475img_3476img_3477img_3492img_3493img_3494img_3495img_3496img_3497img_3498img_3499img_3500img_3501img_3502img_3503img_3505img_3508img_3511img_3512img_3513img_3517img_3530img_3531img_3535img_3538img_3539img_3540

Puntlandes.com

About The Author