Sawirro: Kullan ka dhacay Gaalkacyo oo Beelaha Reer Khalaf & Cabdi Ciise ee Cumar Maxamuud lagu gudoonsiiyey 2da Xubnood ee Aqalka Hoose e Barlamanka JFS

6 sept 2016 (Puntlandes) Kullan ballaaran oo maanta ka dhacay guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayna iskugu yimaadeen Isimada, Nabdoonada iyo Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud ayaa maanta waxaa si buuxda la isugu raacay in Beelaha reer Khalaf Faarax iyo Cabdi Ciise la gudoonsiiyo 2da xubnood ee Beesha Cumar Maxamuud ay ku lee dahay  Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa in Beelaha Cumar Maxamuud ay gudoonsiiso xubnaha u matalaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Beelihii loo garto ama lagu heshiiyo iyo sidii gacan looga gaysan lahaa Abaaraha ka taagan degaanada Beeshu degto iyo waliba sidii ammaanka gobolka mudug looga qayb qaadan lahaa.

Shirka oo uu guddoominayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Isinka guud ee Beesha, ayaa waxa mid ahaa Isimada Beesha Cumur Maxamuud ee kasoo qaybgalay Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, iimaan Cabdiwahaab Maxamuud Gurey, iyadoo ay ku weheliyeen Nabadoonada iyo waxgaradka Beesha cumar Maxamuud oo ka kala yimid degaano kala duwan ee Beesha.

Islaan Bashiir ayaa Furitaankii kulanka wuxuuu sheegey in lagu jiro xilli kala guur ah loona baahan yahay in si fiican looga fakaro mustaqbalka dalka iyo ciddii Beesha u matali lahayd JFS.

Isimada kale ee Beesha oo shirka kasoo qaybgalay iyo Nabadoonadii ayaa fikirkooda ku aadan qodobada ajendaha ka hadlay waxayna aad u adkeeyeen  in la xoojiyo midnimada Beesha Cumar maxamuud iyo Guud ahaan tan dalka Soomaaliya.

Ugu dambayntii waxaa Hufan oo farxadi ku dheehan tahay ay Beeshu isku raacday in beelaha Reer Khalaf iyo Cabdi Ciise ay la yimaadaan ciddii xubinimada ugu tartami lahayd, waxaana uu Islaan Bashiir oo shirka guddoominayey sheegay inuu guddoonku ku dhaqmi doono go’aamadii shirka kasoo baxay.

Gabgabadii Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa baaq nabadeed u diray ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug, isagoo dhanka kale ku baaqay in loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen.

Daawo sawirrada
1

1a

1b

1c

2

3

4
Puntlandes.com

About The Author