Sawirro: Kulankii 23aad ee Fagaaraha Oo Lagu Qabtay Jaamacadda PSU ee Garoowe

7 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa hoolka jaamacadda PSU lagu qabtay barnaamijka fagaaraha kulankiisii 23 aad oo ah markii labaad oo soomaaliya lagu qabtay.

Barnaamijka fagaaraha oo ah barnaamij looga hadlo masiirka umadad soomaaliyeed iyo markaas xaalada markaasi taagaan, mawdooca looga hadlayey barnaamijka fagaaraha ayaa ahaa DOORASHADA CAKIR EE 2016 ! MAXAA XAL AH?.

Barnaamijka dooda fagaaraha ayaa waxaa marti ku ahaa Musharax madaxweyne Cali Xaaji Warsame, Musharax xilibaan Dawlada Faderalka Abshir Xasan Abshir,Calif faysal oo ah xubin katirsan gudiga doorashooyinka dadban ee Puntland iyo Drs Idil Maxamud Jaamac oo ah gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa talo wadaag, sidoo kale waxaa kasoo qayb galay boqolal dadweyne ah oo isugu jira masuuliyiin heel faderaal,heer dawladeed goboleed iyo dhalinyaro aqoon yahano ah kuwaas aad u danaynayey barnaamijka dooda fagaaraha.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay madaxweynaha jaamacadda PSU Maxamud Xamid Maxamed oo ah mesha lagu qabanayey barnaamijka oo marti galiyey.

Madaxweynaha jaamacadda PSU ayaa dhamaan martida kusoo dhaweyey jaamacaddaPSU sido kalena sheegay in barnaamijyada noocaan oo kale ah ay waxbadan wax kabadalayaan dhibaatooyinka ka jira dalka ,loona baahan yahay in lasii badiyo.

Dhanka kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudomiyaha barnaamijka fagaaraha Sadik Warfa oo sharaxad ka bixiyey ujeedka loo sameyey barnaamijka fagaaraha ay tahay in la helo madal ay dadka soomaaliyeed kuwada hadlaan si loo gaaro xalka ay inbadan raadinayaan dadweynaha somaaliyeed.

intaas kadib waxaa la gudo galay doodi dhexmaraysay marti ku casubna barnaamijka fagaaraha kulankiisii 23 aad ,waxaaana halkaasi ka hadashey oo qubado ka soo jeediyey masuuliyiintii barnaamijka martida ku ahayd iyagoona ka hadlay arimo badan oo kusaabsan doorashada larabo in ay dalka ka dhacdo 2016 kaas oo marar badan dib ay u dhacday doorashada waqtigii loogu talagalay,sidoo kale waxay ka hadleen xaalada uu dalka ku jiro iyo sida loo bad-baadin lahaa.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo ahaa musharaxa utartamaya xilka Madaxweyanaha soomaaliya ayaa a halkaasi ka hadlay kana jawaabay su,aalo badan oo ay waydinayeen dadweynihii ka soo qayb galay barnaamijka fagaaraha.

Cali Xaaji Warsame ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan siyaasada gudaha iyo siyaasada arimaha dibada iyo xirirada wadamada dariska ah .

Barnaamijka fagaaraha oo ahaa barnaamij aad u xamaasad badan ayna ka soo qayb galeen dadweyn aad ubadan ayaa sheegay in aad uga heleen barnaamijka sida wanaagsan ee loo soo qaban-qaabiyey iyagoona uga mahadceliyey Gudoomiyaha Barnaamijka Fagaaraha Sadik Warfa oo ah aasaasaha barnaamijkan iyo Maamulka jaamacadda #PSU oo isku taxalujiyey in barnaamijkaan lagu qabto Puntland markiisii labaad ee soomaaliya lagu qabto,iyadoo horey loogu qabtay magaalada Muqdisho caasimada dalka soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta Jaamacadda PSU

Qr: Shareeco Yasin Shareeco

Daawo Sawirrada:

IMG_0012IMG_0015IMG_0049IMG_0062IMG_0104IMG_0114IMG_0192IMG_0245IMG_0246IMG_0250IMG_0256IMG_0277IMG_0278IMG_9656IMG_9657IMG_9669IMG_9671IMG_9675IMG_9738IMG_9741IMG_9786IMG_9820IMG_9822IMG_9823IMG_9833IMG_9836IMG_9837IMG_9838IMG_9849IMG_9881IMG_9887IMG_9888IMG_9970IMG_9976IMG_9981IMG_9993IMG_9997
Puntlandes.com

About The Author