BREAKING NEWS: Faahfaahin Dagaalkii oo istaagay & Khasaaraha ka dhashay

7 sept 2016 (Puntlandes) Dagaalkii saaka ka bilowday duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa iminka xoogiisii istaagay iyadoo ay jirto Xabado teel teel ah.

bn

Dagaalka oo u dhexeeya Galmudug iyo Puntland kadib markii ay Ciidamada Galmudug soo weerareen goobtii ay Puntland ka dhisaysay Salyda Xoolaha ama Maxjarka isagoo ku bilowday israsaasayn saaka ahayd ayaa wax yar ka dib isku bedelay Dagaal Culus kaasoo iminka Istaagay.

Warbaahinta Puntlandes  oo isku hawshay inay ogaato XOG ku saabsan dagaalka ayaa heshay in Ciidanka Galmudug ee weerarka soo qaaaday ay ka itaal roodeen Ciidamo Beeleed iska difaacay iyadoo laga tilaabiyey Ciidanka Galmudug Laamiga dhankiisa koonfurta xabad teel teel ahna ay iminka ka dhacayso meel aad u durugsan.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba ah uu soo gaaray labada dhinac ee dagaalmayey, iyadoo lnaloo xaqiijiyey inay Dhimashada Galmudug ay aad u badan tahay.

Dhanka Puntland waxaa soo gaaray dhimasho 6 qof ah halka uu dhaawacu yahay 9 qof.

 

Wixii war ah ee kusoo kordha dagaalkan kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author