Daawo sawirro dawlada Puntland oo si habsami ah u wada dhismaha Maxjarka Gaalkacyo (Goobtii shalay dagaalku ka dhacay)

8 okt 2016 (Puntlandes) Dagaalo ayaa shalay ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, ka dib markii Maleeshiyaad Galmudug ah ay soo weerareen goob laga dhisayay Maxjar loogu tala galay in Xoolaha lagu kala wareejoyo.

Ciidamadda Dowladda Puntland ayaa fogeeyay Maleeshiyaadkii weeraraka soo qaaday, waxaana saaka dagan guud ahaan duleedka magaaladda Gaalkacyo iyo dhinaca galbeed ee ay shalay dagaaladu ka dhaceen.

Duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa saaka waxaa laga bilaabay dhismaha Maxjar loogu tala galay in lagu kala wareejiyo Gaadiidka Xoolaha ka keenaya gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Ciidamadda Difaaca Dowladda Puntland ayaa aad u adkeeyay amaanka, waxaana si wanaagsan u socda dhismaha Maxjarka oo shalay Maleeshiyaad hubaysnaa ay isku dayeen iney is hor istaagaan.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO:

img_8133 img_8137 img_8145 img_8164 img_8166 img_8171 img_8174 img_8179 img_8202 img_8205 img_8211 img_8212 img_8216 img_8223

Puntlandes.com

About The Author