XOG: Dawlada Maraykan oo Dhabarka u jeedisay Xasan Sheekh

8 sept 2016 (Puntlandes) Dawlada Maraykan ayaa markii ugu horaysay bilowday dhaqdhaqaaq dhanka Siyaasada ah kaasoo ay ku dardar gelinayso in ay si dhow ula socoto Doorashooyinka Soomaaliya iyo Amniga Soomaaliya.

231-4d9

Waxay markii u horaysay u yeertay madaxda ugu saraysa Soomaaliya, hase yeeshee waxay si toos ah albaabada uga xirteen madaxweynaha DFS Xasan Sheekh, taasoo ay si cad dhabarka ugu jeediyeen.

Arinatani waxay dib noo xasuusinaysaa sidii ay ula dhaqmeen Maraykanku AUN madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf 2008dii, hase yeeshee AUN Cabdulaahi oo ahaa Ruug cadaa Siyaasadeed waxaa uu muuqan wayday inuu horay usii socdo isagoo si Sharaf leh isku Casilay.

Hadaba su’aashu waxay tahay Xasan Sheekh ma mari doonaa wadadii AUN Cabdulaahi yuusuf mise ilaa Madaxtooyadda laga soo saaro buu dhex fadhinyi doonaa?

Puntlandes.com

About The Author