Gaalkacyo oo jawigeedu degen yahay saaka & Dawlada Puntland oo wada Dhismihii Saylada

8 okt 2016 (Puntlandes) Waxaa ka jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay shalay ka dhaceen dagaalo jawiga deganaansho ah waxaana si habsami leh u socda oo furan goobaha waxbarashada, ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo ku jirta jawi deganaansho ah.

Dagaalkii Shalay dhrxmaray Puntland iyo Galmudug ayaa waxa uu gaystay khasaare isu jira Dhimasho iyo Dhawac,

Ma jirto wax saan saan coladeed ah oo magaalada dhanka Puntland ka muuqata saaka,waxaana bilowday dadaalo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka iyo culimada diinta ee dhinacyada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.

Dawlada Puntland oo wada Dhismihii Saylada

Dawladda Puntland ayaa saaka si caadi ah u bilowday hawsha dhismaha Seyladda Magaalada Gaalkacyo oo laga dhisayo meel ku beegan Koonfur Galbeed ee magaalada Gaalkacyo oo ah halkii shalay uu ka bilowday dagaalku ka dib markii ay Galmudug isku dayeen inay Carqaladeeyaan dhismaha Seyladdaan oo dawladda Puntland ay doonayso inay ku kala wareejiso Xoolaha Koonfurta Soomaaliya ka imaanaya ee dekadda Boosaaso ka dhoofaya.

Daawo sawirrada saaka ee Gaalkacyo

14642626_1349719608423337_48324909_n 14642729_1349718931756738_1715833064_n 14593545_1349719681756663_96412629_n

Puuntlandes.com

About The Author