Daawo Sawirada safiirka Maraykanka oo mid mid ugu qaabilaya Muqdisho madaxda Soomaaliya marka laga reebo Xasan Sheekh

8 okt 2016 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Safiirka dowlada Maraykanka ee dalka Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa mid mid ugula kulmaya madaxda Soomaalida Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Mas’uulkii ugu horeeyay ee kula kulma wafdiga Garoonka Diyaaradaha uu ahaa Raysal wasaare Cumar Cabdrashid Cali Sharma’arke, halka uu ku xigay Gudoomiye Jawaari iyo Cabdikariim.

Wafdiga Maraykanka ayey Madaxda ka wadahadleen arrimaha doorashada ka dhacaysa dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Puntlandes ayaa Xog ku ogaatay inay ku jireen Liiska madaxda uu la kulmayaan wafdiga Maraykanka madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Amxed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Shariif Xasan iyo waliba Musharixiinta Madaxeynaha soomaaliya marka laga reebo Xasan Sheekh ee la filayo inay Doorashadiisu dhacdo dhawaan. Waxaa dhici karta inay Arimaha Doorashada oo ay ku mashquulsan yihiin madaxdaasi uu ku suurto geli waayo kulankaasi.

Ilaa iyo iminka Wafdiga  Maraykanka waxa uu Musharixiinta kala kulmay maxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah musharax Madaxweyne waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Halkan ka akhriso Maqaal xog xambaarsan oo ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay oo cinwaankiisu ahaa: XOG: Dawlada Maraykan oo Dhabarka u jeedisay Xasan Sheekh

231-5c1

231-5c2

231-5c3

231-5c4

Puntlandes.com

 

About The Author