BREAKING NEWS: Galmudug oo caawa Keentay Gaalkacyo Ciidamo badan oo ay kasoo daabushay Cadaado

8 okt 2016 (Puntlandes) Maamulka Galmudug ayaa caawa soo dhoobay magaalada Gaalkacyo Ciimadamo fara badan oo ay ka keentay Cadaado.

226-3

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay Galmudug keentay Gaalkacyo wixii Malayshiyo iyo Hub tikniko ah oo ay heli kartay iyadoo u diyaar garawday dagaal.

Maamulka Galmudug ayaa xataa wuxuu caawa soo dhoobay Malayshiyo badan suuqa Gaalkacyo iyagoo Godod ka qotay.

Madaxweynaha maamulka galmudug ayaa manta mar uu kasoo degay Cadaado waxa uu ku hanjabay inay magaalada Gaalkacyo hal maamul yeelanayso, taasoo ah Iclaamin dagaal oo Puntland ka dhan ah.

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author