Akhriso Jubbaland oo soo saartay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare JF

9 okt 2016 (Puntlandes) Jubbaland ayaa noqday maamulkii 3aad ee soo saara liiska Musharaxiinta u matalaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Liiskan oo ay ka dhex muuqdaan Siyaasiyiin dhowr ah ayaa waxaa xubin walba oo beesha ah u tartamaya kursiga Xildhibaanka Aqalka sare hal illaa saddex musharax.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid ah xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale waxaa ka soo muuqday Liiska Musharaxiinta Aqalka sare C/fataax Maxamed Cali oo ka mid ahaa Ururkii Xisbul Islaam.

Hadaba halkan hoose ka akhriso liiska Musharaxiinta Aqalka sare u matalaya Jubbaland Baarlamaanka Federaalka:

jubaland jubaland1

Puntlandes.com

About The Author