Xubno xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo muuqday Liiska Aqalka sare ee Galmudug

9 okt 2016 (Puntlandes) Haddii la Fallanqeeyo Liiska uu soo gudbiyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guleed eemusharixiinta u tartamaysa Aqalka Sare waxaa u badan siyaasiyiin aan u dhawayn iyo kuwa aad uga soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh oo guluf xoogan ugu jira in dib loo doorto.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa la sheegaa in aysan isku fiicneyn isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana horay u soo baxayay inuu mugdi soo kala dhex galay xiriirkooda saaxibtinimo.

Xubnaha ka soo muuqday liiska Aqalka Sare oo ay ku jiraan xubno horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Madaxtooyada ayaa loo arkaa kuwo saameyn ku yeelan kara dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ugu jiro inuu ku soo laabto.

Waxaa ka mid ah xubnaha liiska Musharaxiinta Aqalka sare ka soo muuqday siyaasiga galgalka badan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii safka hore kaga jiray Xildhibaanadii mucaaradsanaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo isna xiriir dhow la leh Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa isna qeyb ka ah Musharaxiinta Aqalka sare, waxaa loo arkaa nin saameyn badan ku dhex leh Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna ee fadhigooda yahay Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo isna ah xubin ka dhex muuqda Ahlusuna Wal-jameeca, balse siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan Madaxweynaha ayaa ka mid ah liiska Musharaxiinta, hase ahaatee waxaa isna la tartami doona Zamzam Daahir Maxamuud oo ah gabadha kaliye ee lagu tirinayo in ay ka socoto dhinaca madaxweyne xasan shiikh.

Agaasimayaashii hore ee soo maray Madaxtooyada Kamaal Guutaale iyo Abshir Bukhaari oo ka kala tirsan Xisbiyada Wadajir iyo Daljir oo ah labo xisbi oo saameyn leh ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo muuqday Liiska Musharaxiinta Aqalka sare.

Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Yuusuf Geelle Ugaas oo ah xubno horay xilal u soo qabtay ayaa iyana la sheegaa inay yihiin siyaasiyiin madax banaan.

158ab

Xubnaha liiska musharixiinta Galmudug ayaa muujiineysa dhowr arrimood waa tan kowaade waxaa meesha ka baxay Tuhunkii ahaa in Galmudug ay noqon doonto meel looga ololeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama uu dhismeheeda maal iyo Maskax ku bixiyay

Tan labaad waxa ay markhaati cad u tahay mad-madawga u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

About The Author