Liiska ergadii dooran lahayd 128 xildhibaan oo loo soo gudbiyey guddiga doorashooyinka dadban

231-2b6

11 okt 2016 (Puntlandes) Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in loosoo gudbiyey liiska qaar kamid ah ergadii dooran lahayd xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

231-2b6

Gudiga ayaa xaqiijiyey in ergada lasoo gudbiyey ay tiradooda dhan tahay 6528 ergo oo noqoneysa ergadii soo xuli lahayd 128 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ,  kuraasta ergadooda lasoo gudbiyey ayaa kala ahaa:

  • Koofur Galbeed: 57 kursi
  • Jubbaland: 42 kursi
  • Galmudug 12 kursi ,
  • Hiraan/Shabeellaha Dhexe 11 kursi
  • Puntland: 6 kursi ah.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in lasoo saaro liiska musharaxiinta u taagan kuraasta ergadooda lasoo gudbiyey , sidoo kale waxaa maamul goboleedyada laga sugayaa in ay soo dhameystireen dhamaan ergooyinka dooran lahaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Puntalandes.com

About The Author