Dhagayso Fartiinta Mareeye: Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inuu Ciidamo dheeraad ah usoo dirayo Gaalkacyo

11 okt 2016 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ku hadlaya afka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay inay DFS usoo dirayso magaalada Gaalkacyo Ciidamo dheerad ah oo ka qaybqaata Colaada uu Xasan Sheekh ka hurinayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

231-4d9

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Ciidan ay u direen halkaas kuna Xoojinayaan kuwa kale isagoona sidoo kale dawladda Puntland ku tilmaamay qabiil. Axamadii ayey ahayd markii ay DFS usoo dirtay Gaalkacyo Ciidan 400 gaaray oo qaarkood Diyaarado lagu soo daadgureeyey.
Daawo Afhayeenka Xasan Sheekh Wasiir Maareeye

Hadalka ayaa u muuqda inuu jawaab u yahay Warmurtiyeedkii ay maanta soo saartay Dawalda Puntland, iyadoo ay si CAD u sheegtay DFS inay Ciidamo dheeraad ah usoo dirayso Magaalada Gaalkacyo si ay ula dagaalamaan dawlada Puntland iyo shacabkeeda.

Dhagayso Wasiir Mareeye


Puntlandes.com

About The Author