DEG DEG: Galmudg oo Balicad weerartay iyo Ehlusunna oo Godinlabe Qabsatay

Deegaanka Bali acad ee hoosyimaada Dagmada Saaxo ee Gobolka Mudug ayaa saaka waxaa maanta soo weeraray maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug, iyaga oo isku dayey in ay la wareegaan deegaanka Bali cad, Hase yeeshee Ciidankii ku sugnaa Dagmada Saaxo ayaa halkaasi Gaaray waxaana ay Fashiliyeen Weerarkaas, Inkasta oo aan wali la cadayn Khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Ehlu-sunna Waljameeca ayaa la wareegtay gacan ku haynta, deegaankaan Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, gobinlabe ayaa qiyaas ahaan 15km u jira magaalo madaxda Kumeel gaarkaa ee Galmudug ee Cadaado.

Wararka Qaar ayaa sheegaya, in gudaha magaaladda Cadaado aya ka jiraan kacdoono, kuwaas ay samaynayaa dadka degaanka qaarkood, oo doonaya in ay ku biiraan Ehlu-Sunna Waljameeca, oo haatan magaaladda kusoo dhawaatay, dadka qaar ayaa sheegaya in Madaxda Maamulka Galmudug ay kusii Jeedaan Galinsoor.

Ciidamada Galmudug oo uu haystay Culays badan oo kaga imaanya qaar ka mid ah Odayaasha, ayaa waxaa ay weerarkoodii u wareejiyeen deeganada ku xeeran Magaaladda Gaalkacyo, oo ay ka mid tahay Dagmada Saaxa ee Gobolka Mudug.

 

 

About The Author