Sawirro: Halkee marayaan Gaalkacyo dhismaha Maxjarka, Kala wareejinta Gaadiidka iyo Ganacsiga magaalada Gaalkacyo

12 okt 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo oo ay maalmahaan danbe xaaladdeedu aad u adkayn dhinaca amaanka, ayaa saaka Dagan iyada oo dhamaan xarumihii dadweynuhu shaqaynayaan, sidoo kalana ay socdaan dhismayaashii kala gadisaa ee hormarinta magaaladda Gaalkacyo.

Warbaahinta Puntlandes oo saaka booqatay Dhismaha Maxjarka oo maraya wajigii koowaad ee dhismaha Guryaha iyo Baraagaha oo Gab gabo ah.

Kala wareejintii Gaadiidka ayaa sideedii u socota, iyada oo haatan Gaadiidku badeecada ku kala wareejinayo, Kantaroolka Koonfureed ee Magaaladda, halkaas oo ay keenayaan kuwa ka yimaada Boosaaso, ayna la wareegayaan kuwa usocda Koonfurta.

Suuqyada magaaladda ayaa saaka aad u camiran, oo ay dadku u saqaysanayaan si caadi, gaadiidka ayaa magaaladda isaga kala gooshaya, suuquna aad ayuu saxmad u yahay.

SAWIRRO

img_0217 img_0220 img_0229 img_0230 img_0235 img_0237 img_0244 img_0246 img_0251 img_0254 img_0255 img_0260 img_0261 img_0264 img_0268 img_0276 img_0277 img_0280 img_0284 img_0288 img_0290 img_0294 img_0295 img_0296 img_0303

Puntlandes.com

About The Author