Gudoomiyaha Barlamaanka maamulka lagu muransan yahay ee Hirshabeelle oo Jowhar Lagu Doortay

13 okt 2016 (Puntlandes) Waxaa goor dhaweyd lagu dhawaaqay Natiijada Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Hirshabelle kaasi oo kusoo baxay Sheekh Cusmaan Barre.

231-6b4

Waxaa Natiijada la sheegay in laga guuleystay Sheekh Abuukar Xasan Maqaneey oo ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Dib Uheshiisiinta iyo Federaalka Maamulka Gobolka Sh/Dhexe.

Khudbad Kooban uu jeediyey Sheekh Abuukar Maqaneey ayuu si cajiib ah ula hadlay Ka qeyb galayaasha Shirka Jowhar isagoo tibaaxay in uu alle kaga mahad celinayo Xilkii dhibka badnaa uu ka bad baadiyey.

Puntlandes.com

About The Author