Dhagayso-Galmudug: Wararkii u dambeeyey ee Dagaalkii Gaalkacyo oo Habeen kala dhexgalay & Ciidamada Puntland Guulo gaaray

13 okt 2016 (Puntlandes) Ciidamada dawlada Puntland oo galabta dagaal culus oo dib u bilowday la galay Maamulka Galmudug ayaa ka qabsaday gadiid sidoo kalana gubay gadiid kale oo ay leeyihiin ciidamada dawlada federalka Soomaaliya  gaar ahaana kuwa NISA.
231-6b5

Taliyaasha ciidamada Dawlada Puntland ee joogay jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay inay dharbaaxo xoogleh gaarsiiyeen Gaashaanbuurta ka kooban maleeshiyo Galmudug, Ciidanka DFS iyo Alshabaab.

Saraakiisha ciidamada dawlada Puntland ayaa sheegay dawladu inay dib kasoo bandhigayso ciidamada NISA ee lagu qabtay dagaalkaasi iyo waliba sidoo kale gadiidkii ay gacanta ku dhigtay.

Dhagayso Galmudug ”Puntland Taangi Bay Saaka Nala Dhacday Beesha Caalamka iyo Dowlada Federalka hana Soo gaart”

Gudoomiya qayba galmudug ee gaalkacyo ee Xaafada Baraxley ayaa ka hadlay Dagaalka culus oo ka Socda agagaarka magaalada Gaalkayco kaasoo Khasaare Xoogan u gaystay maleeshyiaadka Galmudug

Waxa uu sheegay in Ciidanka Dowlada  Puntland ay Duqeeyeen Xaafada Baraxley isagoo Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ugu Baaqay in Arintaasi la eego, Gurmad Dag Dagana lala Soo Gaaro

Dhagayso Gudoomiya qayba galmudug ee gaalkacyo ee Xaafada Baraxley


Puntlandes.com

About The Author