Madaxweynaha Jubbaland oo si adag uga hadlay Colaadda Magaaladda Gaalkacyo

15 okt 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cambaareeyey dagaalada soo noqnoqda ee ku dhexmaraya magaalada Gaalkacyo ciidamo ka tirsan Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ku baaqay is si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha dowladda Puntland iyo maamulka Gal-mudug inay dib u soo celiyaan xasiloonidii, Nabadii iyo deganaanshihii magaaldda galkacayo, islamarkanaa ay dib u heeshiyaan

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ,wuxuuna usoo jeediyey dowladda Puntland iyo Galmudug iney nabadda soo celiyaan dibna u heshiiyaan..

“Dagaal ka dhaca Gaalkacyo mar kale wuu na-dhibaya,waxaan ku baaqaya in dagaalka la joojiyo dibna loo soo celinyo nabadda”ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe

Axmed Madoobe ayaa bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay qeyb ka ahaa Wafdii uu hoggaaminayey Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, kaasi oo lagu soo afjaray dagaalkii Galkacayo.

Xaaladda Magaaladda Galkacayo ayaa maanta deganayd Kadib dagaal aad u culus oo maalintii Khamiista uu ka dhacay duleedka Xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, Waxaana isa soo taraya baaqyadda loogu dalbanayo Puntland iyo Galmudug in la joojiyo colaadda Galkacayo.

Puntlandes.com

About The Author