Safarada kala wajahan ee Madaxweyne Gaas & Raysal wasaare Sharmaake

15 okt 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali, ayaa maanta la filayaa in uu u ambabaxo dalka Imaaraadka Caradbka halkaas oo uu ku yeelan doono kulamo looga hadlayo arimaha horumarinta iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

213-4a

Inkasta oo Safarka Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Horay loosii qorsheeyey, misana waxaa uu kusoo beegmayaa xili ay wadanka ka jirto Colaad Xuduudeed salka ku haysa boobka dhulka Puntland iyo Iyada oo Raysal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kusoo wajahan yahay Puntland.

Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay ayaa la filayaa in uu qaabilo Raysal wasaaraha dowladda Federaalkaa, iyada oo laga wada hadli doono xaaladda magaaladda Gaalkacyo iyo sidii xal looga gaari lahaa colaada magaaladdaasi.

Puntlandes.com

About The Author