Faahfaahin Dagaal Gaalkacyo ka dhacay

15 okt 2016 (Puntlandes) Ciidanka DFS oo Tababaran oo Xamar laga keenay oo Taageerayey maamulka Galmudug ayaa Galabta Qorax dhiciii waxay soo weerareen Goobta ay dawalada Puntland ka dhisayso Maxjarka ee duleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

231-6b5

Ciidankaan ayaa Gurguurasho ama Xamaarasho kusoo gaaray aaga la dhisayo Maxjarka sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes, kadibna bilaabay Rasaas culius oo ay ku ridayaan Ciidan Difaaca ee Puntland ee ku sugnaa goobtaas.

 

Ciidanka Puntland ayaa iska difaacay dibna u cayrsaday Ciidankii soo weeraray iyadoo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Qadar yar kadib waxay noqotay habeen oo Xabadii ayaa sidaas si iskeed ah u istaagtay waxaana jira Khasaare Dhimasho iyo mid Dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas.

Puntlandes.com

About The Author