Sawirro: Madaxweyne Gaas oo u amba baxay dalka Itoobiya ugana sii gudbi doona waddanka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 October, 2016 Garoonka diyaaradaha ee Konoko kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaanayey oo ka kooban labada gole ee dawladda Federaalka.
 
Soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi, guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaano iyo dadweyne kale oo tiro badan.
 
Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ayaa kulan gaar ah ku wada qaaday gudaha Garoonka diyaaradaha ee Konoko iyadoona shirkooda kadib ay si wada jir ah ula hadleen qaybaha kala duwan ee warbaahinta.
 
Madaxeynaha dawladda Puntland ayaa sheegay In ujeedka socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu ay salka ku haysey ka qayb-qaadashada xal u helida shaqaaqooyinkii soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay dawladda Puntland diyaar u tahay wax walba oo wanaag lagu gaari karo laguna ilaalinkaro deris wanaagga iyo walaaltinimad dadka reer Gaalkacyo.
 
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in uu Ra’iisul-wasaaruhu indha indhayn doono qaabka ay Puntland uga socoto hirgelidda hannaanka geeddi-socodka dorashooyinka dadban iyo sida ay shacabka reer Puntland ugu diyaar garoobeen.
 
Dhinaca kale Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in uu magaalada Cadaado kulamo kula soo qaatay Madaxda maamulka Galmudug isla markaana uu kala hadlay sidii ay docdooda u joojin lahaayeen colaadda Gaalkacyo, iyadoona uu xusay Ra’iisul-wasaaruhu in uu maamulka Galmudug jeediyey baaq nabadeed oo ay ku doonayaan xal u helidda Gaalkacyo.
 
Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u amba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta Waddanka Itoobiyada isagoona kusii jeeda waddanka isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda ugu sarraysa dalkaasi.
 
Madaxeynaha ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalkiisa ee Imaaraadku uu salka ku hayo sidii ay dawladda Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaayeen arrimo muhim ah oo la xiriira mashaariicda horumarineed iyo dhimaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland oo ay ka mid tahay barnaamijka ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso.

img_8860

img_8862img_8864img_8865img_8866img_8867img_8868img_8874img_8884img_8885img_8887img_8888img_8890img_8892img_8904img_8905img_8906img_8910img_8914img_8915img_8917
Puntlandes.com

About The Author