Gaalkacyo: Xogo hoose oo sheegaya in ay socoto nabayn labada Gadi ah (Akhriso xog)

17 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo oo 12kii maalmood ee ugu danbeeyey ay ka socdeen dagaalo goos goos ah ayaa haatan waxaa warar hoose oo ay Warbaahinta Puntlandes sheegayaan in ay jiraan wada hadalo u socda Puntland iyo Galmudug.

Sida ay sheegayaa wararkaas hoose waxaa meel fiican gaaray dadaalka uu waday Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, iasgoo doonayey in uu xal ugu helo xaaladda Colaadeed ee ka taagan magaaladda Gaalkacyo.

Sida ay wararku sheegayaan RW Cumara waxaa uu Galmudug kasoo qaaday 4 qodob, kuwaas oo ay isla soo garteen in ay hogaan u noqon karaan wada hadalo looga xaajaysanayo Gaalkacyo oo furma, kuwaas oo uu Puntland kala hadlay, ayna isla qaateen sida ay wararka hoose sheegayaa.

  1. In xabadda bilaa shuruud lagu joojiyo
  2. In lajoojiyo dhismaha Sayladda Xoolaha ee Waqooyiga Gaalkacyo
  3. In la dhiso guddi wada xaajood oo heer wasiiraa oo matala Puntland iyo Galmudug.
  4. In kulanka kala saxiixashada hishiisku uu ka dhaco Magaaladda Muqdisho.

Arintaan ayaa haatan waxa ay maraysaa meel gab gabo ah, iyada oo la rajaynayo in raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rishiid uu goob joog ka haandoono wada hadalada.

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaa magaaladda Gaalkacyo soo gaaray 5 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiiradda Galmudug, kuwaasoo uu hogaaminayo, Wasiirk Amaanka ee ee maamulkaas Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), Halka Dowladda Puntland la filayo in ay u matalaan xubno aan wali la shaacin.

Ilaahadda ma cadda kulanka heer wasiir goorta uu dhici doono iyo meesha uu ka dhici doono, waxaase ay wararku sheegayaan in ay Puntland iyo Galmudugba aqbaleen in ay ka wada xaajoodaan, arimaha Gaalkacyo ee soo laalaabanaya.

Dhismaha Sayladda ayaa haatan sicaadi ah u socda, kaas oo maanta (Isniin,17, Oct,2016) meeshiisii kasii socda, shirkadda dhisaysa ayaa qandaraaskaan lacagtiisii horay loogu shubay, si uusan u joogsan dhismaha Sayladda, iyada oo lasiiyey Muddo ku siman 23maalmood si ay usoo gaba gabeeyaan dhisma Sayladda.

Dowladda Puntland ayaa horay u cadaysay in aysan cidna duulaanku ahay, sidookalana sheegtay in aysan marna aqbalayn in laga hor istaago hormarka ay ka waddo dhulkeeda.

Sayladda ayaa kutaal Gasoor laanta 2aad sida ku cad.

gaalkacyo-map

 

About The Author