Sawirro: Wajiga Koowaad dhismaha wadada isku xirta degmooyinka Eyl iyo Dangoroyo oo heer gabagabo ah maraya

17 2016 (Puntlandes) Waxaa heer gabagabo ah maraya Wajiga Koowaad dhismaha wadada isku xirta degmooyinka Eyl iyo Dangoroyo ee gobolka Nugal, taasoo dherarkeedu gaar-siisantahay 120KM, ballaceeduna dhanyahay 16M.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda, Guddomiyaha guddiga dhismaha waddadan, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa booqasho ku tagay Jidkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa laga hirgaliyo dalka Somalia.

Wajigan oo isugu jira, Banayn, Toosin iyo Laan-goyn, ayaa hadda la marsiinayaa Togga lagu magacaabo Odol oo qiyaastii ku dhawaad 40KM u jira degmada Eyl ee gobolka Nugal, waxaana u harsan wax ka yar 15KM in lagu xiro waddo horay loo soo hagaajiyay oo katimaada dhinaca degmada Eyl.

Guddoomiyaha guddiga u xilsaaran dhismaha waddadan Sheekh Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, ayaa warbixin kooban warbaahinta ka siiyay sida shaqadu u socoto, wuxuuna tilmaamay in badi howsha la dhameeyay islamarkaana mardhow lasoo afmeeri doono tallaabadii ugu dhibka badnaynd.

Gaadaale, ayaa xusay in jidkan uu noqon doono mid kaduwan kuwa laga sanceeyay dalka Somalia, isagoo ballaciisa ku sheegay 16M, oo ujeedkeedu yahay in la helo waddo waafi ah oo baabuurto isku dhaafi karto islamarkaana leh Barkino.

img_0222Wuxuu xusay in shaqadan tahay mid adag, balse 4 bilood gudahood lagu guulaystey in laga shaqeeyay  80KM, waxaana la qabtay waxyaabo kala duwan sida in la sahamiyay ciidda, qiimayn ay sameeyeen Ingineeradu, bannaynta jidka iyo laangoyn.

Wasiirkii hore Amniga Puntland, Xasan Allore iyo Guddoomiyihii hore gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigay, ayaa si wadajir ah u sheegay in tallaabadan wax ka badali doonto kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidii degmadan taariikhiga ah ee ku taalla goob istaraatiiji ah looga faa’iidaysan lahaa khayraadka dhex yaalla.

Maxamed Cali Xaashi iyo Ijaabo Sheekh Xasan, oo kamid ahaa ganacsatadii la socday mas’uuliyiintan ayaa soo dhaweeyay qorsha la wado, waxayna shacabka Somaliyeed ugu baaqeen inay u istaagaan sidii loo rumayn lahaa Tallaabadan la bilaabay oo waddo laami ah loogu samayn lahaa degmada Eyl si loo helo Il dhaqaale oo dadku ka faa’iidaystaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero, ayaa madasha kaga dhawaaqay in dowladdu fasaxday qof kasta oo ka qayb qaadanaya dhismaha jidkan, wuxuuna guddiga gacanta ku haya howshan ugu baaqay inay gacanta ku hayaa magacyada dadka ka qaybqaata si Mustaqbalka bulshada loogu soo bandhigo una kala cadaadaan ciddii wax ku darsatay iyo kii ka haray intabada.

img_02421Qoob-deero, ayaa sidoo kale fariin u diray dhammaan umadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in loo istaago sidii wadadan dhismaheeda loo hirgalin lahaaa.

Jidkan oo wajigiisa koowaad la dhisi doono 80KM, ayaa hadda waxaa ku baxay kharash kor u dhaafaya 500,000 oo dollar, taasoo ay bixisay Somali Relief Network of North America. Waxaa iyana qayb farsamo iyo taageero kaleba kala qayb qaatay Hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

Mudadii howshu socotay, waxaa siyaabo kala duwan uga qayb qaatay Injineeero isugu jira; Somali, Chinese iyo Turkiba {Turki}.

Tallaabada xigta ayaa Guddigu noo sheegeen inay noqon doonto Wajiga saddexaad ee wadada lagu dhigayo Jayga, Carro-tuurka iyo Laamiga intaba.

Dadkan wadadan soo booqday, ayaa baaq xooggan u jeediyay dhammaan dadweynaha reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed in ay si deg deg ah uga qayb qaataan dhismaha waddadan saldhigga u noqon doonta hormarka dalkeenna, waxayna taasi lamid tahay codsi iyo baaq kan lamid ah oo ay horay usoo jeediyeen isimada Puntland gaar ahaan Islaan Ciise Islaam Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

img_0073img_0079img_0080img_0083img_0092img_0095img_0097img_0101img_0103img_01061img_0111img_0116img_0134img_0142img_0154img_0157img_0164img_0181img_0185img_01881img_0191img_0193img_0196img_0197img_0222img_0231img_0240img_02421img_02531img_02611img_0265img_0266img_0289img_0303img_0304img_0308img_0317img_0322img_0006img_0009img_0012img_0069Puntlandes.com

About The Author