Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku guuleystay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle

17 2016 (Puntlandes) Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo 61 cod kaga guuleystay Musharaxa kale ee la tartamayay Maxamed Cabdi Waare oo helay 36 cod.

231-7

Madaxweynaha loo Daartay Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee dowladdii AUN madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

231-7a1

Dhanka kale Cali Guudlaawe ayaa isna loo doortay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle wuxuuna helay codad gaaraya 87-cod halka Musharax uu ka guulaystay ee Cali Xasan Taakow uu helay 10- cod.

Puntlandes.com

 

About The Author