Dhagayso: Odoyaasha Hawiye oo Difaacaya Dagaal Ooge Cabdi qaybdiid inuu ka mid noqdo Aqalka sare ee Soomaaliaya

18 2016 (Puntlandes) Odoyaasha Hawiye ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kullan lagu DIFAACAYO DAGAAL OOGE Cabdi Qaybdiid, oo GACANTIISA ku Xasuuqay Shacab fara badan oo Soomaaliyeed, inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

231-7a3

Axmed Diiriye oo ku caan ah taageerida iyo ku hadalka Qabyaalada ayaa waraysi uu bixiyey ku Difaacay Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid, isagoo sheegay inuu CABDI QAYBDIID MUDAN YAHAY inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliaya aysana jirin cid ka mudan oo ay Galmudug soo xulan lahayd.

Dhanka kale Axmed Diiriye oo u meel deyaya ama qiil uu ku difaaco u samaynaya ayaa amaaanay Musharixiinta uu madaxweyne Gaas usoo xulay Aqalka Sare xubnha Puntland.

Axmed Diiriye ayaa sheegay inaysan dhagaysanayn danna aysan ka lahayn ummaddii Soomaaliyeed ee uu ehelkooda XASUUQAY DAGAAL OOGE CABDI QAYBDIID, uuna yahay Shaqsi aad u mudun in la abaalmariyo shaqadii wacnayn ee uu ummaddiisa usoo qabtay, CAJIIB.

Waa Aduunyo wareersan oo aan la kala aqoon ninka ay tahay inuu XABSI iyo CIQAAB muadn yahay iyo ninka GEESIGA lagu tilmaamo, haddii DAGAAL OOGE CABDI QAYBDIID oo Xasuuqay ummaad fara badan burburiyeyna dawladnimadii Soomaaliyeed uu mudan yahay in lagu Abaal mariyo ka mid noqoshada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliaya wax laga sugaa Aqalkaas iyo dawladaas midna ma jirto ee Soomaaliyeey iska ilooba.

Dhagayso Odoyaasha Hawiye oo difaacaya DAGAAL OOGE CABDI QAYBDIID


Puntlandes.com

About The Author